U adeeggida macaamiilka iyo qancinta macaamiilka waa laba arrimood oo muhiim ah oo xiriir dhow leh, balse si gooni ah u kala shaqeeya oo aan si toosa iskugu xirneyn. Si loo gaaro natiijooyin waxtar leh, ganacsatadu waa inay fahmaan farqiga u dhexeeya labadaas si ay u wanaajiyaan waayo-aragnimada macaamiishooda oo ay uga kaaftoomaan khaladaadyada joogtada ah ee ay la dul-dhacayaan macaamiishooda.
1. U Adeeggida Macaamiilka (Customer Services)
U adeeggida macaamiilka waa adeegyada iyo caawinta tooska ah ee ay bixiso shirkaddu si ay u taageerto macaamiisha marka ay usoo adeeg doontaan adeegyada la bixiyo ee ay xaruntu hayso. Waxay diiradda saartaa dhinacyada ay ka mid yihiin, wax ka qabashada su’aalaha, tabashooyinka iyo caqabadaha ay tirsanayaan macaamiisha iyo in si dhaqso leh, hufanaan leh loogu fuliyo baahiyaha ay tabanayaan macaamiisha.
Tusaale ahaan, shirkaddaha sida Amazon waxay leeyihiin adeegyo macaamiil oo wax ku-ool ah, kuwaa oo ay ka mid yihiin taageerada tooska ah sida (live chat) iyo adeegga soo celinta alaabta/badeecadaha.
2. Qancinta Macaamiilka (Customer Satisfaction)
Qancinta macaamiilka waa heerka qanacsanaanta uu macaamilku ka dareemayo adeeg ama alaab kadib isticmaalkeeda. Waxayna diiradda saartaa sida adeegyada ama alaabta shirkaddu u raalli gelin lahaayeen filashooyinka macaamiisha. Waxay ka tarjumaysaa sida macaamilku u dareemo inuu qiimo leeyahay marka uu adeegsanaya badeecadaha/adeegyada ay bixiso xarunta. Waxay sidoo kale dhacdaa kadib markii macaamiishu ay dhammaystaan isticmaalka alaabta ama adeegga loo fidiyey kadibna ay uga fal-celiyaan si ay ka dhallanayso inay xarunta ugu soo jiidaan macaamiil cusub.
Tusaale ahaan, shirkadda Apple waxay ku caan baxday qancinta macaamiisha, iyadoo alaabteeda iyo adeegyada ay si joogto ah u dhaafaan filashada dadka ku xiran, mar walbana waxay ku qanciyaan macamiishooda natiijada ay shirkaddu usoo bandhigto, waxayna arrintaasi Apple ka dhigtay inay uga horumarto shirkaddaha kale ee la mid ka ah.
Ganacsaduhu waa inuu isku dheellitiro labada dhinac si uu u abuuro waayo-aragnimo guud oo la xiriirta macaamiil adeeg loo fidiyo lana hubiyo inay ku qanacsan yihiin adeegga loo fidiyay. Waxayna arrintan ka mid noqon kartaa:
- Shaqaalaha oo si Wanaagsan loo Tababaray: Tababarka shaqaalaha waa in lagu daro xirfaddaha u adeeggida iyo fahamka dareenka macaamiisha.
- Falanqaynta Jawaab Celinta: In si joogto ah loo falanqeeyo jawaab celinta macaamiisha si loo hagaajiyo labadaba dhinac ee u adeeggida iyo qancinta macaamiisha.
- Isticmaalka Teknolojiyadda: Adeegsiga teknoolojiyada casriga ah sida CRM (Customer Relationship Management) si loo maareeyo xiriirka macaamiisha iyo hubinta qanacsanaantooda.
- Sare u Qaaddista Filashada: In lala yimaado habab hal-abuur leh oo sare dhaafa filashada macaamiisha.
Ugu Dambeyn, u adeeggida macaamiilka iyo qancinta macaamiisha waa laba dhinac oo muhiim ah oo kala shaqeeya sidii ganacsi u noqon lahaa mid guulleysta. Halka u adeeggida macaamiilku ay tahay aasaaska xiriirka shirkadda iyo macaamiisha, qancinta macaamiilku waa guusha ugu dambeysa ee ka dhallata adeegga wanaagsan ee macaamiilka loo fidiyo. Marka la isku darsado, labaduba waxay dhisaan sumcad xooggan iyo daacadnimo macaamiil oo waarta.