MAXAA KA QALDAN NIDAAMKEENA WAXBARASHO?

1.0 HORDHAC: TAARIIKHDA IYO XAALADDA NIDAAMKA WAXBARASHO

Nidaamka waxbarashada Soomaaliya wuxuu leeyahay taariikh fac weyn oo la xiriirta isbeddelada siyaasaddeed, bulsho iyo dhaqaale ee uu dalku soo maray. Intii lagu jiray xilligii dowladdii dhexe (1960–1991), gaar ahaan xilligii kacaanka, waxaa jiray nidaam waxbarasho qaran ah oo mideysan oo si toos ah gacanta dowladdu ugu jirtay. Dowladdu waxay hirgelisay manhaj mideysan oo ku salleysan afka Soomaaliga, kaasoo lagu baran jiray dhammaan heerarka waxbarasho. Waxaana la abuuray dugsiyo iyo xarumo waxbarasho oo gaarrey gobollo badan, waxayna suurtagellisay in la gaarro heer fiican oo horumar ah marka loo eego dalal badan oo Afrikaan ah xilligaas.

Intaa waxaa dheer, sannadkii 1972-kii markii la qoray farta Soomaaliga, waxa la sameeyay olole qaran oo lagu barayo dadka waaweyn akhris iyo qorid, waxayna keentay in Soomaaliya ay noqoto waddan Afrikaan ah oo si weyn uga hormaray dhinaca aqoonta dadweynaha xilligaas oo koriinku sii socday.

1.1 BURBURKA DOWLADDII DHEXE IYO SAAMEYNTA KU YIMID WAXBARASHADA

Kadib burburkii dowladdii dhexe ee dhacay 1991, nidaamkii waxbarasho ee qaranku si toos ah ayuu u burburay. Waxa meesha ka baxay nidaamkii midaysnaa ee dowladdu maamuli jirtay, waxaana dalka ka hanaqaaday nidaamyo waxbarasho oo kala duwan, oo inta badan ay gacanta ku hayaan ururo bulsho, hay’addo caalami ah iyo jaamacaddo ama iskuullo gaar loo leeyahay.

1.2 DIB U DHISKA NIDAAMKA WAXBARASHO: CAQABADDAHA IYO FURSADAHA UU ABUURRAY

Sannadkii 2000 iyo wixii ka dambeeyay, waxaa jiray dadaallo la wadday oo dib u soo noolleynayo waxbarashada, iyadoo la sameeyay wasaaraddo waxbarasho oo heer federaal iyo heer dowlad gobolleed ah. Sidoo kale, waxaa jiray qorshayaal lagu mideynayo manhajka waxbarasho ee dalka, iyada oo Wasaaradda Waxbarashada Federaalka ay bilawday samaynta manhaj qaran oo loogu talagalay dugsiyada hoose, dhexe iyo sare oo mideysan. Guul ayay ahayd in tallaab noocaas ah la fulliyo.

2.0 SAAMEYNTA NIDAAMKAN WAXBARASHO AY KU LEEDAHAY ARDAYGA SOOMAALIYEED:

Nidaamka waxbarasho ee heerka sare, wuxuu si weyn ugu tiirsan yahay barashada aragtida (theory) iyada oo aad loo dayacay dhinaca dhaqangelinta (practice). Ardaydu waxay ku qaataan sannado badan waxbarasho ay ka buuxaan duruus aan lahayn wax ficil ah oo la taaban karo, waxay abuurta in aqoontooda aysan ka tarjumayn awood ay kula falgalaan caqabado dhab ah oo nolosha shaqada ah ee sugaysa. Waxayna ardayda ku abuurraysa caqabado ay ka mid yihiin:

  • Shaqo la’aan iyo xirfad la’aan: Arday badan ayaa ka qalin-jabiya jaamacaddo iyaga oo aan haysan xirfaddo la taaban karo oo ay suuqa shaqada ku wajahaan. Arrintan waxay keentay in dhallinyaro badan ay noqdaan shaqo-doonayaal muddo dheer ah, halkii ay noqon lahaayeen shaqo-abuurayaal la fal-galla suuqa shaqada.
  • Suuq shaqo oo ciriiri ah: Maadaama xirfaddaha loo baahan yahay suuqa shaqada aan laga helin ardayda, shirkaddo badan ama xarumo dowladdeed waxay raadiyaan shaqaale shisheeye ama tababarro dheer siiya shaqaalaha cusub. Arrintani waxay si toos ah u dhaawacdaa horumarka dhaqaale ee gudaha.
  • Saameyn la’aan dhaqaale iyo bulsho: Inkastoo tiro badan oo dhallinyaro ah ay jaamacaddaha ka qallin-jabiyaan sannad walba, haddana waxaa yaraaday saameynta tooska ah ee ay ku yeeshaan horumarinta dalka. Dhallinyaradaas waxaa la dhihi karaa waxay barteen aqoon aan ku filneyn wax ka beddelidda xaaladda ay bulshada ku sugan tahay ee rasmiga ah.
  • Xarumaha tababarka farsamada gacanta Waa kuwo aad u yar. Magaalada Muqdisho oo ah caasimadda dalka Soomaaliya, waxaa kaliya ka howlgala dhowr xarumood oo farsamo lagu barto, kuwaas oo leh awood xaddidan oo aan dabbooli karin baahida dalka oo dhan, waxay arrintan si abuurtay inay soo saaraan tiro arday yar oo kooban. Iyadu oo barashada farsamadu laf dhabbar u tahay bulshada.
  • Xirfaddaha loo baahan yahay sida: korontada, farsamada birta, farsamada dhismaha, tknoolajiyadda beeraha iyo qalabaynta warshaddaha waa kuwo si xad dhaaf ah loogu tiirsan yahay shaqaale ajnabi ah oo ka yimid dalal deris ah sida Itoobiya, Kenya iyo Uganda. Waxay sii xoojinaysa shaqo yarrida gudaha ah oo saameyn buuxda ku leh shaqo-doonayaasha Soomaaliyeed.

3.0 CAQABADDAHA HAYSTA MANHAJKA WAXBARASHADA

Waxaa jira farqi aad u weyn oo u dhaxeeya waxa ardayda Soomaaliyeed lagu baro iyo waxa uu suuqa shaqadu dhab ahaan u baahan yahay, waxayna ardayda qaar ku dhallisa inay waajahan caqabado si iskood ah aysan uga gudbi karin marka suuqa shaqada yimaadan.

3.1 CAQABADAHA KA DHEX JIRA MANHAJKA:

  • Manhaj dib u eeggis u baahan: Qaar ka mid ah manhajyada jaamacaddaha dalka waxay kasoo jeedaan kuwa xilli hore ama laga keenay dalal kale oo aan la jaanqaadi karin duruufaha Soomaaliya, sida mas’uuliyaddaha bulshada sugaya, baahiyaha suuqyada maxalliga ah ee xilligan taaggan iyo kaalinta laga qaaddan lahaa kobaca dhaqaalaha waddanka.
  • Ma jiro xiriir jaamacaddo iyo suuq shaqo ah: Jaamcaddaha qaar wax cilaaqaad toos ah oo ay la leeyihiin shirkaddaha gaarka loo leeyahay ama hay’addaha dawladda way yar tahay, arrintan oo horseedaysa in ardaydu aysan helin tababaro ama fursado wax ku ool ah inta ay waxbaranayaan oo aan la gaarrin qallin-jabintooda si ay si buuxda ah ugu diyaar garoobbaan, fursaddan oo kale waxaa ugu dhow oo hella ardayda barata kulliyadda Caafimaadka.
  • Waxbarasho aan dhiirrigelin hal-abuurka: Arday badan ayaa sheegta in aysan helin duruus ama casharro ku salleysan ganacsi abuurrista, fikrad curinta ama hirgelinta cilmi la fal-geli kara baahiyaha suuqa, waxay arrintan dhaawacdaa awooddii ay lahaan lahaayeen si ay shaqooyin u abuuraan ama xallal cusub ula yimaadaan bulshada dhexdeeda. Iyadoo ay jaamacaddo aad u koobban ay sannadihii dambe qaaddeen tallaabooyin ay baahiyaas ku dabboollayaan oo ay ku amaannan yihiin.

Tusaale: Qof baranaya cilmiga maamulka ama dhaqaalaha (Business Administration) ayaa ku dhammeysta 4 sano iyada oo aan hal maalmood la gelin meel ganacsi lagu maamullo ama shirkad. Markuu ka qalin-jabiyo jaamacadda, wuxuu wajahayaa jawi aan la barin oo ay adag tahay inuu ka gudbo.

4.0 XALKA IYO WADDOOYINKA LAGU HAGAAJIN KARO XAALADDAHAN JIRA

  1. Dib u eegista Manhajka Waxbarashada Heerka Sare:
  1. Manhajka waa in lagu salleeyaa baahida suuqa shaqada, dhaqaalaha dalka iyo horumarinta bulshada. Waxaa muhiim ah in la cusboonaysiiyo mar walba si uu ula jaanqaado isbeddelada casriga ah.
  2. Xirfaddo ku salleysan baahida suuqa:
    • Waa in manhajyada lagu daro xirfaddo sida barnaamijyada kombiyuutarka, IT-ga, cilmiga beeraha, maaraynta biyaha iyo tamarta la cusboonaysiin karo, wax soo saarka iyo xirfaddaha kale ee asaasiga u ah nolosha aaddanaha si looga maarmo ku tiirsanaanta shaqaale shisheeye.
  3. Waa in la hela iskaashi rasmi ah oo dhex mara:
    • Wasaaradda Waxbarashada
    • Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
    • Jaamacaddaha iyo dugsiyada sare
    • Rugaha ganacsiga iyo shirkaddaha gaarka loo leeyahay
    • Hay’addaha horumarinta
    • Iyo cid walba door ku leh horumarinta tayada waxbarashada

5.0 TALO SOO JEEDIN

5.1 TALLOOYINKAN AYAA MUHIIM AH IN LA DHAQAN-GELIYO:

  1. Dib u habeyn Manhaj:
    • Waa in manhajka laga saaraa culuum aan laga faa’iidaysanayn, lagu beddelo kuwa la jaanqaadaya baahiyaha dhabta ah ee dalka sida: tamarta, biyaha, deegaanka, caafimaadka bulshada, beeraha casriga ah iyo teknoolajiyadda casriga.
  2. Kobcinta Waxbarashada Xirfaddeed:
    • Waa in la sameeyo goobo tababar oo lagu barto xirfaddo gacmeed sida korontada, dhismaha, farsamada gawaarida iyo tacabka beeraha, waxay shaqo-abuur u noqon karta kumannaan dhallinyaro ah.
  3. Mideynta Nidaamka Waxbarasho:
    • Dowladda Federaalka iyo dowlad-gobolleedyadu waa in ay isla jaanqaadaan, si loo helo nidaam isku mid ah oo lagu hagayo tayada waxbarashada, lana kala saaro khilaafka siyaasaddeed inuu saameeyo waxbarashada iyo mustaqbalka arday Soomaaliyeed.
  4. Tayeyn Joogto ah:
    • Waa in la sameeyo hannaan qiimeyn sannadle ah oo lagu cabbiro waxqabadka jaamacadDaha, iskuullada iyo xarumaha xirfaddeed si kor loogu qaado tayada.
  5. Iskaashi Qaran:
    • Waa in la abuuro guddi wadatashi oo ay ku jiraan wasaaradda waxbarashada, wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada, jaamacaddaha, ganacsatada iyo danneeyayaasha kale si loo qorsheeyo mustaqbalka waxbarashada iyo shaqo abuurka dalka.
  6. Kor u Qaadista Miisaaniyadda Waxbarashada:
    • Miisaaniyadda dowladda ee la siiyo waxbarashada waa in la kordhiyo, si loo horumariyo kaabayaal waxbarasho, tababarka macallimiinta iyo agabka casriga ah ee wax lagu barto si loo helo waxbarasho tayo sare leh.

Waxbarashada Heerka sare waxay u baahan tahay dib-u-habeyn qotodheer oo looga golleeyahay in ay ka jawaabto baahiyaha bulsho iyo dhaqaale ee dalka. Dhibaatada ugu weyn ee jirta waa kala foggaanta u dhaxaysa waxbarashada iyo nolosha dhabta ah, waxay keentay in ardaydu dhammeeyaan jaamacad iyaga oo aan lahayn awood wax ku ool ah.

DHAMMAAD

2 thoughts on “MAXAA KA QALDAN NIDAAMKEENA WAXBARASHO?”

  1. aad iyo aad talo laagu baahan yahay weeye
    soomali baana horey u tiri
    tasho waxna u tali waa tiirka nolosha

  2. Hasan daahir iraad

    Aad baad u mahasan tihin bahda SRC, wuxuu article aad u qiimo badan, su,aashu waxey tahay hadaan nahay ardayda iyo dhalin yarta sidee baan uka qeyb qaadan karnaa , dhqan galiyo .

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *