HORDHAC
Soomaaliya, oo leh xeebta ugu dheer qaaradda Afrika waxay muddo dheer u ahayd dal leh awood kheyraad dabiici ah oo aan wali si buuxda looga faa’iideysan. Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay dhawaan heshiis istiraatiiji ah la saxiixatay dowladda Turkiga si loo bilaabo sahaminta iyo qoddista shidaalka badda Soomaaliya. Arrintan waxay si weyn u kicisay xiisaha iyo rajada loo qabo ka faa’iideysiga kheyraadka Soomaaliya, dhinaca shiddaal qoddista. Waxaa sidoo kale arrintan barbar socda walaac iyo walwal dad badan oo Soomaali ah ay ka qabaan nooca uu heshiiskan u dhacayo, marxaladdahii daahsoona ee uu soo maray iyo xaaladda uu kusoo aaddayo heshiiskan, maadaama shidaalku uu yahay kheyraad qani ah balse sidoo kale xambaarsan qatarta “Xiisad abuurrista” ee dalal badan burburisay.
Haddaba, su’aasha taagan ayaa ah: Ma yahay safarkan shidaal qodista mid fursad dahabi ah oo Soomaaliya kor u qaadi kara, mise waa qatar daahsoon oo halis gelin karta mustaqbalka dalka? Maqaalkani waxa uu si qoto dheer u falanqaynayaa aragtidan isagoo eegaya casharrada taariikhiga ah, fursadaha jira ee aan la iska idho tiri karin ee lagu lamaannay cabsida suuragalka ah.
DHIB IYO DHEEF: CASHARADA DUNIDA EE SHIDAAL QODISTA LAGA BARRAN KARO
Shidaalka, saliidda iyo gaaska dabiiciga ah waxa uu dunida u yahay laf-dhabarka tamarta, wuxuuna horseed u noqday horumarka warshadaha, kobaca dhaqaalaha iyo sare u kaca dakhliga dalal badan. Dhinaca kale, qoddista shidaalka waxay sidoo kale wadataa halis siyaasaddeed, bulsho iyo deegaan, gaar ahaan haddii aan si hufan, caddaalad iyo mustaqbal fog leh loo maaraynin. Tusaallooyinkan hoose ayaa soo koobaya taariikhda shiddaal qoddis guulleystay iyo kuwa hoos u dhacay.
1. NIGERIA:
Nigeria waa dalka ugu xooggan ee shidaalka ka soo saara Afrika, sidoo kale waa mid ka mid ah kuwa ugu nugul mushkiladaha ka dhasha kheyraadka dabiiciga ah. Waxaana ay dhex mushaaxaan caqabaddo ay ka mid yihiin:
- Musuqmaasuq baahsan: Shirkaddaha shidaalka iyo madaxda dowladda ayaa lagu eedeeyey in ay si aan sharci ahayn u lunsadeen malaayiin Doolar. Arrintan waxaa lagu tilmaamaa “Laab-la-kacda Kheyraadka” oo macnaheedu yahay kheyraadka in degdegsiimo lagu doono balse maareynta dakhligiisa ay noqoto mid ku dhisan musuqmaasuq (resource curse).
- Xasillooni Darro Deegaanka: Dadka deegaanka ee gobolka Niger Delta waxay la tacaaleen wasakheynta biyaha iyo burburka deegaanka, waxayna dhalisay kacdoonno hubeysan iyo iska hor imaadyo xooggan.
- Colaaddo iyo Dirir: Kooxaha sida Movement for the Emancipation of the Niger Delta (MEND) ayaa u dagaalamay inay helaan qeybtooda dakhliga shidaalka, waxayna sababtay weerarro, afduub iyo joojinta wax-soo-saarka iyo hakad gellinta howlaha horumarineed ee dalkaasi ka socday.
Maxaa laga baran kara? – Marka kheyraadka dabiiciga ah si caddaalad darro ah loo qaybiyo, wuxuu abuurayaa xaaladdo colaaddeed, kalsooni darro dadweyne iyo burbur deegaan.
2. NORWAY:
Norway waa tusaalaha ugu sarreeya ee dal shidaal hodan ku ah balse si hufan u maareeyey kheyraadkisa, taasoo horseedday horumar joogto ah.
- Sanduuqa Qaranka: Norway waxay aasaastay Norwegian Sovereign Wealth Fund sannadkii 1990-kii, si dakhliyada shidaalka loogu kaydiyo jiilasha dambe ee aan joogin waqtigaasi uu socdo sahaminta, qoddista iyo soo saarista kheyraadkooda.
- Maamul hufan: Shirkadda qaran ee Equinor (hore loogu garan oggaa Statoil) waxaa lagula xisaabtamaa si muuqda oo joogta ah, waxaana nidaamkeeda lagula socda Baarlamaanka dalka oo kor joogteyn iyo isla xisaabtan ku haya si waafaqsan xeerarka u degsan dalkaasi.
- Deegaan ilaalin: Xeerar adag ayaa lagu dhaqaa marka la qoddayo shidaalka si deegaanka iyo bulshadu aanay u dhaawacmin, loona aaffeyn mustaqbalka dambe ee dadka ku nool dalkaasi.
Maxaa laga baran karaa? – Dalka haddii uu leeyahay hay’addo dowli oo xooggan, daahfurnaan iyo aragti fog, wuxuu ka faa’iideysan karaa shidaalka si joogto ah oo ay bulshada oo dhan ka faa’iideysanayso si siman oo loo wadda dhan yahay.
3. VENEZUELA:
Venezuela waxay leedahay keydad shidaal oo aad u ballaaran, balse ku tiirsanaanta hal kheyraad iyo siyaasaddo xumo ayaa keenay burbur dhaqaale oo baahsan. Dhinacyada ay ka bubureen waxaa ka mid ah:
- Ku tiirsanaan hal kheyraad: Venezuela waxay dayacday qaybaha kale ee dhaqaalaha sida beeraha, wax-soo-saarka iyo ganacsiga oo maal-gelin, xoojjin iyo kor joogteynta laga dul tagay.
- Hoos u dhac baahsan: Sicir-barar aad u daran (hyperinflation) ayaa dhex mushaaxaya dalkaasi, qiimo dhac ku yimid lacagta iyo saboolnimo ayaa dhacay kaddib markii qiimaha shidaalka caalamka hoos u dhacay, madaama ay dhaqaalahooda guud ee dalka uu ku tiirsan yahay wax soo saarka shidaalka oo keliya oo ay iska indho-tireen inay isku dheelli-tiraan wax soo saarka guud ee dalka iyo kheyraadka shidaalka.
- Siyaasad xumo: Dowladda Venezuela ayaa si aan hufnayn u maamushay dakhliga shidaalka, iyadoo ka hor timi maalgashiga dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah.
Maxaa laga baran karaa? – Dalalka si buuxda ugu tiirsan shidaalka oo keliya, haddii qiimihiisu hoos u dhaco ama maamulka uu burburo, wuxuu wajahaa dhaqaale burbur halis ah oo hal oo keliya wiiqi doona dhaqaalaha guud ee dalkaas.
FURSADAHA DHAQAALE IYO SIYAASADDEED EE SOOMAALIYA
Heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga waxa uu keeni karaa isbeddel weyn oo dhinaca horumarka iyo madax-bannaanida dhaqaale ee dalka Soomaaliya oo la daalla-dhacaya dhaqaalo yarri baahsan:
FURSADAHA DHAQAALE EE SOOMAALIYA:
1. Dakhliga Dowladda oo Kordha:
Helista shidaal baddeed oo laga soo saaro biyaha Soomaaliya waxay si weyn u beddeli kartaa dakhliga dowladda. Waxaa la filan karaa in la helo Malaayiin Doolar oo canshuur iyo heshiisyo lala galo shirkaddaha shidaalka qoda, taasoo kordhin karta:
- Miisaaniyadda guud ee dalka.
- Maalgashiga adeegyada muhiimka ah sida caafimaadka, waxbarashada iyo adeegyada kale asaasiga.
- Horumarinta hay’addaha dowladda.
2. Shaqo Abuur Baaxad Leh:
Warshaddaha shidaalka waxay abuuraan kumannaan shaqooyin ah oo si toos ah iyo si dadbanba u saameeya bulshada. Fursadaha shaqo waxaa laga helayaa:
- Qoddista iyo sahminta shidaalka.
- Gaadiidka, adeegyada saadka, badeecaddaha iyo hoy.
- Tababarro iyo xirfaddo cusub oo dadka deegaanka lagu dhiso.
3. Horumarinta Kaabeyaasha Dhaqaale:
Marka dhaqaalaha kobco, waxaa fududaanaysa in la maalgeliyo kaabeyaasha sida:
- Wadooyinka, dekedaha iyo garoomada.
- Korontada iyo isgaarsiinta.
- Teknoolajiyadda wax-soo-saarka iyo maamulka.
4. Dhisidda Sanduuqa Qaranka (Sovereign Wealth Fund):
Sida ay Norway samaysay, Soomaaliya waxay fursad u leedahay inay dhisto sanduuq horumarineed oo:
- Kaydiya dakhliga shidaalka si looga faa’iideeyo jiilasha mustaqbalka.
- Maalgashi lagu sameeyo gudaha iyo dibadda dalka.
- Ka hortaga khataraha dhaqaale ee ka dhasha qiimo-hoosyada shidaalka.
5. Dhiirrigelinta Maalgashiga Caalamiga ah:
Helista shidaal waxay sare u qaaddi kartaa sumcadda iyo kalsoonida Soomaaliya, taasoo:
- Soo jiidanaysa shirkaddo caalami ah oo maalgashi ku sameeya qeybo kale ee sida beeraha, kalluumeysiga, Tiknoloojiyadda, Ganacsiga iyo tamarta kale.
- Kor u qaadaysa lacagaha soo gala dalka (foreign direct investment – FDI).
FURSADAHA SIYAASADDEED EE SOOMAALIYA:
1. Madax-bannaani Dhaqaale oo Sii Kordhaysa:
Marka dhaqaalaha gudaha kobco, gaar ahaan iyada oo aan ku tiirsanayn kaliya gargaar caalami ah, Soomaaliya waxay heli kartaa:
- Awood ay go’aannadooda ugu salleyso danaha qaranka.
- Xorriyad ka badan inta hadda la haysto marka ay la macaamileyso hay’addaha maaliyaddeed ee caalamka (sida IMF, World Bank).
2. Kaalin Cusub oo Caalami ah:
Dal shidaal leh ayaa si gaar ah loogu tixgeliyaa xagga siyaasadda caalamka. Soomaaliya waxay heli kartaa:
- Awood cod dheeraad ah oo ku saabsan go’aamada gobolka Geeska Afrika.
- Diblomaasiyad dhaqaale (economic diplomacy) oo xoog leh.
- Ka mid noqoshada isbahaysiyo dhaqaale iyo kuwo amni sida IGAD iyo AU.
3. Xiriir Istiraatiiji ah oo ay la leedahay Turkiga:
Heshiiska badda ee Soomaaliya iyo Turkiga wuxuu fure u noqon karaa iskaashi ballaaran oo ay ka mid yihiin:
- Amarka badda iyo difaaca xeebaha: Turkigu wuxuu ka caawin karaa Soomaaliya ilaalinta xeebaha, taas oo muhiim u ah nabadgelyada shidaalka badda laga qodayo.
- Teknoolajiyadda sahminta iyo qodista: Soomaaliya waxay ka faa’iideysan kartaa khibradda Turkiga ee qodista shidaalka badda.
- Kobaca kaabeyaasha dhaqaalaha: Turkiga wuxuu hore u fuliyay mashaariic gudaha oo ay ka mid yihiin garoonka Aadan Cadde iyo Isbitaalka Digfeer.
Heshiiska Soomaaliya la gashay Turkiga iyo suurtagalnimada helista shidaal baddeed waxay muujinayaan albaab weyn oo u furmay horumar dhaqaale iyo siyaasad cusub. Fursadahani waxay noqon karaan xaqiiqo keliya haddii:
- Maamulka dakhliga shidaalka uu noqdo mid hufan oo laga ilaaliyo musuqmaasuq.
- Bulshada Soomaaliyeed ay ka qayb qaadato qaabeynta siyaasadda shidaalka.
- La dhiso awood sharci iyo hay’addo leh karti iyo la xisaabtan dhab ah.
Fursaddu wey jirtaa, laakiin su’aashu waxay tahay: Soomaaliya ma la timaadaa aragti fog, maamul wanaagsan, caddaalad iyo midnimo qaran si ay u gaarto guushaas?
HESHIISKA SOOMAALIYA IYO TURKIGA: MA DAN BAA MISE DABBIN QARAN?
Inkastoo heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga uu xambaarsan yahay fursado dhaqaale iyo siyaasaddeed oo weyn, haddana waxaa jira su’aalo weyn oo la iska weydiinayo, waxayna ku saabsan yihiin halista ka dhallan karta haddii aan si taxadar leh loo maareyn.
Qodobbada Walaaca iyo Halista Leh:
1. Shaki ku Saabsan Hufnaanta Heshiiska:
- Xog la’aan iyo Shaki Dadweyne:
Ilaa hadda, faahfaahinta dhabta ah ee heshiiska (qodobbada, qiyaasta saamiga, waajibaadka labada dhinac) si buuxda looma shaacin, waxay dhallisay shaki weyn oo ku saabsan, Cidda ka faa’iideysan doonta heshiiska, Heerka dammaanad qaadka kheyraadka dalka iyo Saamaynta suurtagalka ah ee madax-bannaanida dhaqaalaha iyo siyaasadda Soomaaliya. - Muhiimadda Hufnaanta:
Waa in heshiisyada noocan oo kale ah lagu saleyaa La-xisaabtan hufan, Daah-furnaan, Wada-tashi qaran iyo ansixin sharciyeed oo laga helo hay’addaha Dastuurriga ah sida Baarlamaanka. - Khataraha Ka Dhallan Kara:
Haddii heshiiska lagu galo si qarsoodi ah, waxaa la abuuri karaa fursado musuqmaasuq, isku dhac siyaasaddeed iyo hoos u dhac ku aaddan kalsoonida shacabka lagu dul fullin doono heshiiskan.
2. Badqabka Deegaanka:
- Daadsanaanta Saliidda (Oil Spills):
Qoddista shidaalka badda waxay leedahay khatar weyn oo daadsanaan saliid ah, waxayna keeni karta Sumowga kalluunka iyo nolosha kale ee badda, Burburka deegaanka dabiiciga ah iyo Saameyn toos ah oo lixaad leh oo ku timaada kalluumeysiga — isha dhaqaale ee Kumanaan kun oo Soomaali ah ku tiirsan yihiin.
Tusaale Caalami ah: Shilkii Deepwater Horizon ee 2010 ee xeebaha Mareykanka wuxuu sababay musiibo deegaan oo ah mid ka mid ah tii ugu weynayd taariikhda, iyada oo milyan Gallon oo saliid ah lagu shubay badda.
- Khataraha Ka Dhallan Kara:
Soomaaliya weli ma laha awood farsamo oo xoog leh oo lagu maareeyo musiibooyin baddeed oo shidaal la xiriira. Haddaba, daadsanaan kasta waxay noqon kartaa mid muddo dheer waxyeelaysa dhaqan-dhaqaale iyo deegaanba.
3. Xasarado Siyaasadeed iyo Khilaafaad Gudaha:
- Saameynta Dakhliga aan si Siman loo Qaybin waxaa imaan kara:
- Kacdoonno bulshada ah oo isku dhac gudaha oo hubeysan abuurri karaa, arrintana Soomaaliya aad ayay ugu nugushahay.
- Isku dayo kooxeed oo lagu doonayo in lagu helo gacanta dakhliga (resource-based conflict) laguna leexsado kheyraadka.
- Qaybsanaan gobolleed iyo siyaasaddeed oo qoto dheer oo qeybo ka mid ah ay Soomaaliya waqtigan la daalla-dhaceyso.
Soomaaliya oo horayba u lahayd kala qeybsanaan bulsho iyo siyaasaddeed, halista khilaafaad cusub oo shidaalka la xiriira waa mid khatar darran leh, haddii aan si caddaalad leh loo maamulin.
4. Khatarta Ku Tiirsanaanta Hal Kheyraad (Resource Dependence Risk):
- Cawaaqibka Dhaqaale:
Dal kasta oo kaliya ku tiirsan hal kheyraad dabiici ah wuxuu u nugul yahay Isbeddelka qiimaha suuqa caalamiga ah iyo Musiibooyin dhaqaaleysan haddii qiimaha shidaalka hoos u dhaco.
Dalka Venezuela oo 90% dakhliga dhoofinta ka hela shidaalka, wuxuu la kulmay burbur dhaqaale markii qiimaha shidaalka caalamka hoos u dhacay, taasoo horseeday sicir-barar, faqri iyo fowdo siyaasaddeed. Soomaaliya haddii ay dhaqaalaheeda aad ugu tiirsato shidaalka oo aan horumarin kheyraad kale sida Beeraha, Kalluumeysiga iyo Ganacsiga adeegyada (services sector) Waxay noqon doontaa mid nugul marka uu isbeddelo suuqa shidaalka caalamiga ah.
Su’aasha weli taagan ayaa ah:
Heshiiska Turkiga ma wuxuu noqon doonaa albaab horumar iyo madax-bannaani, mise wuxuu noqon doonaa il xasarad, burbur deegaan iyo mustaqbal dhaqaale oo halis ah?
Jawaabta su’aashan waxay ku xirnaan doontaa dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin:
- Heerka hufnaanta iyo daah-furnaanta heshiiska.
- Awoodda Soomaaliya ee ilaalinta deegaanka.
- Caddaaladda qaybinta kheyraadka.
- Siyaasadda xukuumadda ee ku aaddan kobcinta dhaqaale kala duwan oo waara (diversified economy).
Heshiiska shidaal qodista ee Soomaaliya iyo Turkiga waa seef laba af leh. Waxaa jira fursado dhaqaale iyo siyaasad oo aan horay loo helin, sidoo kale waxaa jira halisaha ay tahay in si taxadar leh loo maareeyo.Haddii si xikmad leh oo aqoon lagu daray loo wajaho, Soomaaliya waxay horay u qaadi kartaa tallaabooyinkii Norway ee guusha lahaa. Haddii kale, halisaha Nigeria iyo Venezuela ayaa noqon kara casharo toos ah oo ay la daalla-dhici doonto.
DHAMMAAD